Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mane oo ku biiray kooxda horyaalka Saudi Arabia ee Al-Nassr


Weeraryahanka reer Senegal ee Bayern Munich Sadio Mane ayaa ku biiray kooxda horyaalka Saudi Pro League ee Al-Nassr kadib hal xilli ciyaareed oo uu la joogay kooxda heysata horyaalka Bundesliga, sida ay sheegeen labada kooxood Talaadadii.

Mane waxa uu saxiixay qandaraas afar sano ah, sida ay Al-Nassr ku sheegtay farriin ay ku daabacday boggeeda Twitter.

Faahfaahinta dhaqaalaha ku bacay beeca Mane lama shaacin, laakiin warbaahinta ayaa sheegtay in kooxda Sacuudigu ay 40 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 43.85 milyan u dhiganta kusoo iibsatay 31-jirkan.

Mane ayaa u dhaqaaqay Bayern sanadkii hore isagoo rajo weyn ka qabay kadib markii uu u dhaliyay 120 gool 269 kulan oo uu u saftay Liverpool, halkaasoo uu kula guuleystay Champions League, Premier League, FA Cup, League Cup iyo Club World Cup.

Mane ayaa ku biiray Al Nassr oo xoojisay ciyaartooydeeda tan iyo markii ay lasoo saxiixdeen Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedkii hore.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG