Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester City oo ku guulesay koobka FA-ga


FBL-ENG-FA CUP-MAN CITY-MAN UTD
FBL-ENG-FA CUP-MAN CITY-MAN UTD

Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysagay koobka FA-ga, kadib markii ay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United ay ciyaartii kama-dambeysta aheyd 2-1 ku garaacday, iyada oo uga mahadcelisay Ilkay Gundogan oo dhaliyay labada gool.

Kabtanka City Gundogan ayaa dhaliyay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa taariikhda finalka FA Cupka, isagoo kubad la yaab leh ku dhaliyay 12 ilbiriqsi kadib, waxaana uu dhaliyay goolkii guusha todobo daqiiqo kadib markii laga soo noqday nasashada.

32-jirkan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da'da weyn ee laba gool ka dhaliya finalka FA Cup tan iyo Nat Lofthouse oo ciyaari jiray Bolton Wanderers sannadkii 1958.

Goolka United oo rigoogre ahaa waxaa u dhaliyay daqiiqadii 33 aad ciyaaryahan Bruno Fernandes.

"Hadda waxaan ka hadli karnaa saddex koob," ayuu yiri tababahaha CIty Guardiola, oo ku guuleystay 11 koob tan iyo markii uu yimid City 2016.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG