Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man United oo lasoo wareegtay goolhayihii Inter Milan Andre Onana


FBL-EUR-C1-MAN CITY-INTER
FBL-EUR-C1-MAN CITY-INTER

Kooxda Manchester United ayaa goolhayaha reer Cameroon Andre Onana kala soo wareegtay kooxda Inter Milan, isaga oo u saxiixay heshiis shan sano ah oo uu ku dari karo sanad dheeraad ah, sida kooxda Premier League ayaa ku dhawaaqday maanta oo Khamiis ah.

Sky Sports ayaa sheegtay in United ay ku bixin doonto 51 milyan euros ($56.70 milyan) 27 jirkaan iyo afar milyan oo dheeri ah.

“Manchester United waxay leedahay taariikh dheer oo goolhayeyaal cajiib ah, haatan waxaan bixin doonnaa wax walba si aan u abuuro dhaxal ii gaar ah sanadaha soo socda,” ayuu Onana ku yiri hadal uu soo saaray.

United ayaa raadineysay goolhaye cusub kadib markii uu dhacay qandaraaska goolhaye David De Gea ee bishii June, taasoo soo afjartay 12 xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa Old Trafford.

Onana wuxuu ku biiray Inter bishii July 2022, isagoo ka yimid Ajax Amsterdam wuxuuna si dhaqso ah u noqday dooqa koowaad. Waxa uu udub dhexaad u ahaa ololihii dhammaaday ee ay Inter ku guulaysatay koobabka Talyaaniga iyo Super Cup-ka. Waxay sidoo kale gaareen finalka Champions League.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG