Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay Galgaduud oo la kala qaaday


Guddiga uu madaxweynaha Galmudug u magacaabay daminta colaadda u dhexeysa beelo Aaxddii ku dagaallamay deegaanka Laandheer ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay soo saaray go’aanno ku aaddan xal u helidda iska hor-imaadka.

Guddiga ayaa sheegay inay ku guulaysteen, oo ay kala qaadeen ciidamada is hor fadhiyay, sidoo kalena ay xaaladda hadda daggan tahay laba maalin kadib markii uu halkaasi ka dhacay iska hor-imaad cuslus oo in ka badan 50 qof ay ku dhinteen, iyagoo intaa ku daray inay dhinacyada u dhigeen gogol nabadeed.

Wasiirka warfaafinta ee Galmudug Abshir Shiiqow oo xubin ka ah guddiga ayaa Cabdulqaadir Maxamed Mursal uu ka waryestay ay soo saareen iyo halka ay wax u marayaan.

Maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay Galgaduud oo la kala qaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:56 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG