Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahad Salaad oo magacaabay madaxa sirdoonka NISA ee gobolka Banaadir


NISA
NISA

Agaasimaha ha'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad ayaa maanta madaxa sirdoonka ee qeybta gobolka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor oo ka tirsanaa saraakiisha hay'adda NISA.

Sarkaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee uu magacaabo maamulka cusub ee NISA ayaa lagu sheegay inuu leeyahay khibrad dhinaca amniga ah, isaga oo qaban doona boos muhiim u ah amniga caasimadda Muqdisho.

Mahad Salaad oo Khamiistii golaha wasiiradda Soomaaliya ay ansixiyeen magacaabistiisa ayaa Axaddii shalay si buuxda ula wareegay agaasinka ha'adda NISA.

XS
SM
MD
LG