Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo taageero u raadinaya sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd ururka EAC


Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

War kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu berri socdaal ku tagi doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania 'si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC.'

Diblomaasi sare oo reer Burundi ah ayaa sheegay in waddankiisu uu guddoomiyenimada EAC kala wareegayo Kenya, uuna dalkiisu taageeri doono musharraxnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dalal kalena ay Soomaaliya taageeri doonaan.

Bayaanka madaxtooyada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladad Soomaaliya ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada ururkan sanadkii 2016.

"Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladdan sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka madaxtooyada.

Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

XS
SM
MD
LG