Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah u shaaciyay in ciidamada dowladdu ay la wareegeen Aadan Yabaal 


Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rasmi ahaan u xaqiijiyey in ciidamada dowladdu ay la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellada Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka saareen dadkii rayidka ahaa magaalada, isla markaana matooraddii biyaha soo saarayey ay ceelasha ka bixiyeen. Waxa uu sheegay inay ciidanku gaynayaan matoorro, si ay biyaha uga cabbaan dadka degaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoon kale sheegay in degmada keliya ee xilligan Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellda Dhexe ay tahay Ruun Nirgood.

Maalintii shalay ayey ahayd markii ciidanku ay galeen Aadan Yabaal, inkastoo ay xalay ku hoydeen dibedda magaalada walaac laga qabay in Al-Shabaab ay qaraxyo ku rakibeen magaalada darteed.

Seynab Abuukar ayaa warbixintan inoo soo dirtay.

Khudbadda madaxweyne Xasan Sheekh.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:59 0:00

XS
SM
MD
LG