Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baydhaba


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd safarkiisii ugu horreeyey ee gudaha dalka ku tagay magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah maamulka Koofur Galbeed.

Safarkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay socdaal uu madaxweynuhu ku tegi doono maamul goboeedyada oo loogu magacdaray “Tareenka Nabadda”.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku marayo booqashadiisa sidoo kale diiradda saari doono arrimo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta, abaaraha, iyo xasillooni siyaasadeed.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada ee xilka kasii degaya iyo xildhibaanno.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladda caleemo-saarkiisa ay ka dhici doontaa magaalada Muqdishu 9-ka bisha Juun, xafladdaasi oo la filayo inay kasoo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.

XS
SM
MD
LG