Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay xubno cusub oo ka tirsan maamulka Gobolka Benaadir


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto ku magacaabay guddoomiye ku xigeennada iyo xoghayaha gobolka Benaadir, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Guddoomiye ku xigeennada la magacaabay ayaa kala ah;

Ciise Maxamuud Guure, Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Cabadicasiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud.

Faysal Carraale Afrax ayaa isna madaxweynuhu u magacaabay xog-hayaha guud ee gobolka.

Gobolka Benaadir
Gobolka Benaadir

XS
SM
MD
LG