Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Garoowe

Xasan Sheekh deni
Xasan Sheekh deni

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, oo ay uga billaabatay booqasho dhowr cisho ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga uu hoggaaminayo, kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

“Safarka Madaxweynaha ee Puntland ayaa ku qotoma u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada ee ay qabaan bulshada Puntland, taas oo aas-aas u ah hiigsiga Madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

“Madaxweyne Xasan ayaa kulammo la qaadanaya Madaxda Dowlad-goboleedka Puntland, waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dul istaago xaaladda bulshada Puntland, baahiyaha ay qabaan, doorkooda horumarineed ee dalka iyo hirgelinta dowladnimada.”

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Waa booqashaddii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago maamul goboleedyada dalka tan iyo markii dib loo doortay, isaga oo waxyar kadib booqashadiisa tegay Baydhaba iyo Dhuusomareeb.

Wariyaha VOA-da Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Garoowe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Garoowe
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:56 0:00

XS
SM
MD
LG