Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas


Hassan Sheekh
Hassan Sheekh

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan halkaas oo weyn logu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo safar kaga soo kicitimay duhurnimadii maanta magaalada Dhusamareb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa goor dhaweed ka degay degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa la socday diyaarad Helicopter ah waxaa garoonka Maxaas ku soo dhaweeyay gudoomiyaha degmada iyo qaar shacabka magaalada ka mid ah, sida ay VOA u sheegeen ilo wareedyo ku sugan Maxaas.

Degmada Maxaas ayey maalmihii lasoo dhaafay ku qulqulayeen madax heer federal iyo heer gobol ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu booqan doono meelo ka mid ah fuirmaha hore ee dagaalka oo ay ka socdaan dib-u-diyaarin ciidanka si ay guluf ugu qaadaan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa kulan la leh masuuliyiinta maamul goboleedka Hirshabelle iyo kuwa federalka iyo taliyayaasha ciidanka ee Maxaas ku sugan.

Madal

XS
SM
MD
LG