Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan 'oo soo dhoweeyey' go'aanada QM ee xaaladda Laascaanood


Xasan Sheekh, Xamza iyo Isimada Sool iyo Sanaag
Xasan Sheekh, Xamza iyo Isimada Sool iyo Sanaag

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Golaha Ammaanka ayaa shalay ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xalay madaxtooyada kulan casho kula yeeshay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.

Sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada, madaxweynaha ayaa ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

“Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa tan iyo bishii Febraayo ka taagnaa dagaallo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo kasoo jeeda deegaanka, kuwaasi oo ay ku dhinteen tobanaan qof, kuna barakaceen kumanaan kale.

Warbixin ku saabsan kulanka madaxweynaha iyo Isimada waxaa Muqdisho kasoo dirtay Saynab Abuukar.

Madaxweyne Xasan 'oo soo dhoweeyey' go'aanada QM ee xaaladda Laascaanood
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:58 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG