Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo shir ugu yeeray madax goboleedyada


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iskugu yeeray kulan ay yeeshaan madaxda federaalka iyo kuwa heer goboleed.

Madaxweynaha ayaa warqado u kala diray madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Glabeed, Galmudug, Hirshabelle iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa madaxweynuhu sheegay inuu ka dhici doono Muqdisho inta u dhaxaysa 20-ka ilaa 21-ka Bishan April.

“Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo masiiri ah oo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada iyo dhammaystirka dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri warqadda martiqaadka ee madaxweynuhu uu u kala diray madaxda heer gobol.

Madaxda la martiqaaday waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, mana cadda inuu kasoo qaybgeli doono shirkaasi iyadoo in muddo ahba uu xumaa xiriirka dawladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan saxiixay wax ka beddel lagu sameeyey cutubyo ka tirsan dastuurka dalka, taasi oo Puntland ay ka hortimid.

Madal

XS
SM
MD
LG