Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo la kulmay sarkaal sare oo Mareykan ah


Xasan Sheekh iyo Brian Nelson
Xasan Sheekh iyo Brian Nelson

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson.

Sida lagu sheegay bayaan ay sii daysya Villa Somalia, madaxweynaha ayaa kulanka ku soo bandhigay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya “ay ku wiiqday” dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay “in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu, ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen doorka ay Mareykanka ka qaadanayaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in dhankiisana Brian Nelson uu sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharcidarada iyo la-dagaallanka argagixisada.

Madal

XS
SM
MD
LG