Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo ku laabtay shirka Baydhaba


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa mar kale maanta gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wejiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur-galbeed.

Shirkan ayaa u dhaxeeya maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo isku haya muddo xileedka madaxweynaha.

Muddo xileedka madaxweynaha ayaa ku ekaa bishii December, sida ay ku doodayaan mucaaradka, hase yeeshee baarlamanka Koonfur-galbeed ayaa horey sanad dheeri ah ugu kordhiyey muddo xileedka madaxweynaha, taasi oo maamulka uu ku dheggan yahay.

Waa safarkii labaad ee madaxweynaha uu ku tago magaalada muddo ka yar saddex toddobaad gudahood ah, ayada oo madaxweynaha uu shirka dib-u-heshiisiinta soo furay 17-kii Janaayo.

Safarka madaxweynaha ee maanta ayaa “ku qotama xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis iyo sidii uu miro dhal u noqonlahaa shirka dib u heshiisiinta ee halkan uga socda hoggaanka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed,” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

XS
SM
MD
LG