Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo kormeeray ciidanka laga soo celiyey Eritrea


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday ciidamada Soomaaliyeed ee dhowaan laga soo celiyey dalka Eritrea, kuwaas oo ku xareysan Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ciidankan faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka dagaalka dalka looga xoreynayo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ciidanka u sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay rajo ka qabaan in ay dhammeystiraan dagaalka dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab.

"Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro," ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne ayaa uga mahad celiyay Dowladda Eritrea garab istaagga ay u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa 21-kii December billowday inay dalka kusoo celiso askarta lagu soo tababaray dalka Eritrea oo gaaraya illaa 5,000, waxaana la filayaa in soo celintooda la dhameystiro bartamaha bishan.

XS
SM
MD
LG