Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo daah-furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed


Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Baydhaba ka furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee u maamulka iyo mucaaradka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka ayaa isku haya qabashada doorashada madaxweynaha, ayada oo mucaaradku sheegeen in muddo xileedka madaxweynaha uu ku ekaa December 2022, balse maamulka uu ku doodayo inay jirto muddo kordhin uu baarlamanka u sameeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur Galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, islamarkaana maanta halka cadoow ee ay leeyihiin uu yahay ururka Al-Shabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee furan.

“Dadka reer Koonfur Galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhaba iyo sida ay uga go’an tahay in dhammaan reer Koonfur Galbeed ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.

“Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Al-Shabaab. Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur Galbeed,” ayuu yiri madaxweynaha.

XS
SM
MD
LG