Kismaayo —
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubaland.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynaha uu u kuur-galayo xaaladda deegaannada Jubaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa horey u booqday Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Aadan Maxamed Salaad.
Facebook Forum