Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka maalintii ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 38 qof, halka 132 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka guud ee Laascaanood Axmed Maxamed Xasan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag uu xalkeedu yahay mid siyaasadeed, islamarkaana uu ku dhex jiro siyaasadda guud ee lagu raadinayo midnimada Soomaaliya.
“In maanta rabitaanka dadka qori lagu xaliyo suurta-gal ah ma ahan, rabitaanka dadka ha la ixtiraamo, qoryaha hala dhigo xabadda ha la joojiyo, ha la wada hadlo, miiska wada-hadalka ha la isugu yimaado,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shekeh.
Waxa uu intaas ku daray inuu diyaar u yahay in meel kasta oo nabaddaas looga hadlayo uu tago, oo uu la fariisto cid kasta oo nabaddaas ka wada hadleysa.
Waxa uu odayaasha dhaqanka iyo culimaa’udiinka ugu baaqay inay nabadda ka taliyaan, ayna la hadlaan inta dagaaalka ku lugta leh, oo ay wiilasha qoryaha wata ka qaadaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la aqbali karin inay sii socoto daadashada dhiigga, haddii “aan lagu difaaceyn diinta iyo dowladnimada.”
Baaq madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha oo sidoo kale ka hadlay dagaalka, waxaa warbixintan kasoo dirtay Saynab Abuukar.