Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo Isbeddel ku Baaqay


Madaxweyne Shariif oo Isbeddel ku Baaqay
Madaxweyne Shariif oo Isbeddel ku Baaqay

Madaxweyne Shariif oo maanta ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa isbeddel ku baaqay, isaga sheegay in guddiga Dastuurka la horkeeno baarlamaanka.

Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta ka qeybgaley kullan ay yeesheen xildhibaannada baarlamaanka KMG.

Kullanka oo ay ka qeybgaleen 305 xildhibaan ayaa khubad dheer oo uu jeediyay madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in loo baahan yahay isbeddel lagu sameeyo xukuumadda, wuxuuna ka ugu baaqay xildhibaannada inay isbeddelkaasi hormuud ka noqdaan.

Madaxweyne Sh Shariif oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyay ayaa ku soo qaatay arrimo kala duwan.

Shariif, wuxuu sheegay in uu kooban yahay wakhtiga dawladda u hadhay, wuxuuna uu u sheegay xildhibaannada in loo baahanyahay in khaladaadkii horey u dhacay la saxo, si muddadaasi yar wax-qabad muuqda loo gaadho.

Is-beddelka uu madaxweynuhu ku baaqay ayuu tilmaamay inaanu ahayn mid cid gaar ah loola jeedo amma lagu xumaynayo, waxaana uu tilmaamay in ay duruufuhu arrintaasi keeneen.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in loo baahanyahay in xubnaha guddiga diyaarinta dastuurka la horkeeno baarlamaanka si ay ansax u noqdaan, waxaana uu tilmaamay in ay tahay in la caddeeyo qaabka loo marayo samaynta dastuurka.

Kullanka baarlamaanka waxaa sidoo kale la horkeenay mooshin ka dhan ah Sharmaarke, iyadoo ay soo gudbiyeen 111 xildhibaan. Isla kullankaasi ayaa waxaa lagu qeybiyo qoraallo ka socda raisal-wasaare Sharmaarke oo sheegaya in mooshinka isaga ka dhanka ah uu yahay mid sharci darro ah

Dhinaca kale waxaa socda dadaallo lagu doonayo in labada dhinac la isku horkeeno.

XS
SM
MD
LG