Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulaha USAID oo la kulantay madaxweyne Xasan Sheekh


Sawirka kulan sanadkii hore dhex-maray Xasan Sheekh iyo Samantha Power
Sawirka kulan sanadkii hore dhex-maray Xasan Sheekh iyo Samantha Power

Maamulaha hay’adda USAID ee Mareykanka, Samantha Power ayaa 24-kii Janaayo la kulantay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheega warsaxaafaded kasoo baxay hay’adda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, horumarinta la-qabsiga cimilada iyo taageeridda dadaalka aan caadiga aheyn ee dowladda federaalka ay ugu jirto in la yareeyo saameynta xun ee Al-Shabaab ay ku leedahay Soomaaliya.

Samantha Power ayaa tacsi u dirtay dadka Soomaaliyeed kadib weeraradii ay dhowaan fulisay kooxda Al-Shabaab, waxayna ballan-qaaday inay garab istaagto ddka Soomaaliyeed xilliga ay u baahan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka bixinta saddex meelood laba meel oo ka mid ah dhammaan deeqda dhaqaalaha ku baxaya wax ka qabashada abaaraha, taasi oo dhan ku dhawaad 1.3 bilyan oo dollar, tan iyo bilowgii sanad maaliyadeedka 2022.

Madaxweyne Xasan iyo Samantha ayaa isla gartay deg degta ay tahay in loo abaabulo taageero caalami ah oo dheeri ah si loo maalgeliyo gurmadka abaaraha Soomaaliya oo wajahaysa suurta-galnimada xilli roobaadkii lixaad oo guuldarreysta.

Waxay sidoo kale ka wada-hadleen sidii loo heli lahaa habab kale oo casri ah oo waara oo wax looga qabto, islamarkaana loola qabsado isbeddelka cimiladu ku yeelanayaan sugnaanta cunnada ee Soomaaliya, waxayna isku raaceen in la isku duwo dadaallada lagu dhiiri-gelinayo maalgashi ballaaran oo lagu sameeyo barnaamijyada la qabsiga cimillada iyo u adkaysiga Soomaaliya.

Samantha Power ayaa ku dhowaaqday 5 milyan oo dollar oo USAID ay gacan uga gaysaneyso gaarsiinta adeegyada degdegga ah ee ay u baahan yihiin bulshooyinka u istaagay kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG