Isku xirrada

War Deg-Deg ah

London: Shir loo hadlayo arrimaha Yemen


London: Shir loo hadlayo arrimaha Yemen
London: Shir loo hadlayo arrimaha Yemen

Magaalada London, Uk waxaa ka furmay shir beesha caalamku ay uga hadlayso arrimaha dalka Yemen.

Horaantii bishan ayaa ra’iisal wasaaraha Britain Gordon Brown waxaa uu ku baaqay in la qabanayo shirkan lagaga wada xaajoon doono arimaha ka taaggan dalka Yemen iyo sidii ay beesha caalamku ay si ka wanaagsan sida immika isaga kaashan lahaayeen dadaallada lagu doonayo in dawlada Yemen lagaga caawiyo sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka dhinacyada dhaqaalaha,siyaasada iyo bulshada ee dalkaasi ka taaggan.

Brown wuxuu sheegay in sidaasi ay tahay sida kaliya ee lagu damaanad qaadi karayo ammaanka iyo xasilloonida muddada dheer ah ee dalka Yemen iyo waliba horumar dhinaca dhaqaalaha ah oo dalkaasi gaadho.

Wakhtigan xaadirka ah wadamada caalamku si wayn ayay indhaha ugu hayaan arrimaha ka dhacaya wadanka Yemen oo laga cabsi qabo in ay faraha ka baxaan.

Shirkan magaalada London ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirrada amuurraha dibedda ee wadamada gobolkaasi ku yaalla ee ku bahoobay golaha iskaashiga Khaliijka, wakiilo ka kala socda Midawga Yurub, Mareykanka, Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa iyo ururada kale ee caalamiga ah sida sanduuqa lacagta ee aduunka.

Shirkan ma ahayn mid ay wadamaddu kaga yaboohayaan lacagaha ay bixinayaan, laakiin waxaa uu shirkani noqon doonaa mid ay beesha caalamku iskaga kaashnayaan wax qabadkooda muddada dheer ah ee lagu gacan qabanayo dalka yemen.

XS
SM
MD
LG