Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lix qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Shabeellada Hoose


Marka
Marka

Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay, 12 kalena way dhaawacmeen kadib markii baabuur ay la socdeen uu qarax qabsaday, gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarkan oo dhacay subaxnimadii Arbacada waxa VOA u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre.

Baabuurka uu qaraxu qabsaday ayaa marayey inta u dhaxaysa magaalooyinka Marka iyo Qoryooley. Dadka saarnaa baabuurka ayaa la sheegayaa inay dhammaantood rayid ahaayeen.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka mid ah gobollada ay ka hawlgalaan maleeshiyaadka al-Shabaab oo sheegta qaraxyada ka dhaca gobolkaasi iyo degaanno kaleba.

Waxaa warbixintan kasoo diray weriyahayaga Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Lix qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Shabeellada Hoose
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG