Kooxda Liverpool ayaa lasoo saxiixatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee waddanka Hungary Dominik Szoboszlai oo ka tirsan kooxda Bundesliga ka dhisan ee RB Leipzig, sida ay sheegtay goor dhaweyd kooxda Liverpool ee horyaalka Premier League.
22-sano jirkaan ayaa yimid Anfield kadib markii warbaahinta Britain ay sheegtay in Liverpool ay bixisay 70 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 76.37 milyan oo doollar.
"Saddexdii ama afartii maalmood ee lasoo dhaafay runtii aad ayay u dheeraayeen, ma ahayn wax fudud. Laakin ugu dambeyntii waxaan ku suganahay Liverpool, waan faraxsanahay," ayuu Szoboszlai ku yiri hadal uu soo saaray.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Hungary ayaa dhaliyay 20 gool, waxaana uu caawiyay 22 gool 91 kulan tan iyo markii uu kusoo biiray Leipzig 2021.
Reuters.
Madal