Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laasqoray: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay god dhahabka laga qado


Hal qof ayaa ku dhintay labo kalena waxa kasoo gaaray dhaawcyo fudud kadib markii uu xalay ku dumay god dahabka laga qodo oo ku yaal deegaanka Milxo oo magaalada Laasqoay qiyaastii u jira 40 km, waana deegaan sanadihii u danbeeyey caan ku ahaa qodashada dahabka.

Waxaa jirta dhibaato soo foodsaartay dadka dahabka halkaas ka qota kadib markii ay ku dumaan godadkaasi dadna ay ku dhintaan. Sida ay dadka degaanku sheegeen, Maxamed Xasan oo ka mid ahaa xoogsatada dahabka qodata ayaa ahaa marxumkii ugu danbeeyey ee maydkiisa laga soo saaro barqanimadii maanta kadib markii uu dumay godkii uu ku jiray isaga iyo 2 ka mid ahaa asxaqbtiisa ay dahabka wada qodan jireen, balse iyaga laga soo badbaadiyey.

Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa khadka talefoonka ku waraystay Cabdulqaadir Saalax Xasan oo ka mid ah dadka degaankaas ka qota dahabka goob joogna ahaa markii godku dumayey, kuna sugan degaanka Milxo, waxa uu VOA uga warramay dhacdooyin hore oo ay dad ku dhinteen, waxaase uu ugu horrayn ka hadlayaa sida ah wax u dhaceen.

Dhimasho iyo dhaawaxc ka dhashay gob dahabka laga qodo.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:42 0:00

XS
SM
MD
LG