Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kylian Mbappe oo kooxda PSG ku wargeliyay inuu ka tagayo


Ligue 1 - Paris St Germain v Olympique Lyonnais
Ligue 1 - Paris St Germain v Olympique Lyonnais

Kylian Mbappe ayaa u sheegay kooxidiisa Paris St Germain inuusan qandaraaska u kordhin doonin marka uu heshiiska uu hadda kula joogo uu dhaco bisha June ee soo socota, sida Isniintii ay soo werisay jariidada L'Equipe.

Mbappe, oo ku guuleystay Koobkii Adduunka ee France sannadkii 2018, ayaa go'aankiisa ku xaqiijiyay warqad uu u diray kooxda.

PSG ayaa heysa fursad ay ku iibiso xagaagan, si ay uga fagoaato inuu sannadka dambe ku baxo qaab xor ah, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Paris.

Weeraryahanka ayaa xor u ah inuu wadahadallo heshiis hordhac ah la saxiixdo koox cusub, laga bilaabo bisha Janaayo ee soo socota haddii uu go'ansado.

Kooxda Faransiiska, oo ay leedahay shirkadda Qatar Sports Investments, ayaa hore ugu lumisay Lionel Messi beeca xorta ah, kadib markii weeraryahanka Argentina uu ka tagay dhammaadka qandaraaskiisa labada sano ah si uu ugu biiro horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer ee kooxda Inter Miami.

Mbappe ayaa si weyn loo saadaalinayay inuu ku biiri doono Real Madrid xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu diiday in uu u dhaqaaqo Spain, isaga oo heshiiska u kordhiyay PSG.

24-sano jirkaan ayaa waxaa muddo dheer aad u jeclaa Real, kaasoo laga diiday dalab gaaraya 200 milyan oo Yuuroow oo u dhiganta 215.50 milyan oo doolar sannadkii 2021-ka.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG