Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulan ka dhacay Addis Ababa


Kulan ka dhacay Addis Ababa
Kulan ka dhacay Addis Ababa

DKMG, ururka Ahlu-Sunna iyo qaar ka tirsan hoggaamiye kooxeedyada Somalia ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa.

Kulankan waxaa dhinaca dowladda KMG uga qeybgalay wasiirro, iyadoo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar ka tirsan hoggaamiye kooxeedyadii hore ee dagaalka iyo waliba saraakiil ka tirsan ururka Ahlu-sunna.

Kulankan, ayaa lagu sheegay inay ka soo baxeen qodobo ay ka mid in dowladda KMG iyo xulufadeedu ay qorsheeyaan howlgallo militari oo ay si wadajir ah uga fuliyaan qaar ka tirsan gobollada Somalia. Howlgalladaasi ayaa la sheegay inay fulinayaan ciidamo wadajir ah oo iskaashanaya oo ka kala socda DKMG, Ahlu-Sunna iyo hoggaamiye kooxeedyo.

Wasiirka Gaashaandhiga ee DKMG ayaa Abuukar Cabdi Cismaan VOA-da uga warramaya ujeeddada kulankaasi.

XS
SM
MD
LG