Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulamo la xiriira doorashadii qof iyo cod ee Puntland oo la qabtay


Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee (PUNSAA) ayaa doorashooyinkii golayaasha degaanka ee Puntland ka dhacay kadib waxay in ka badan 10 degmo ku qabatay kulamo u dhexeeya golayaasha deegaanka iyo dadawaynihii soo doortay.

Kulamadaas ayaa lagu lafa guray doorka haweenka, barakacayaasha, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay ku laahaayeen doorashadii Puntland ka dhacday.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qaybgalay kana dooday heerarkii doorashada ay soo martay iyo kaalintii ay ku lahaayeen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Weriyaha VOA Faaduma Yaasiin Jaamac ayaa magaalada Garoowe arrimahaasi kaga waraysatay guddoomiyaha Dalada Bulshada Rayadka Puntland Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan, waxaana marka hore uu ka warramayaa kulamada iyo wixii kasoo baxay.

Kulamo la xiriira doorashadii qof iyo cod ee Puntland oo la qabtay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:26 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG