Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Kansas City Chiefs oo ku guuleysatay Super Bowl-ka


Kooxda Kansas City Chiefs ee ka dhisan gobolka Missouri ayaa xalay ku guuleysatay cayaarta Super Bowl-ka ee ama kama dambeysta horyaalka NFL ee dalka Mareykanka.

Chiefs ayaa Super Bowl-kan oo ahaa kii 57-aad waxay 38-35 dhiboocd kaga adkaatay kooxda Philadelphia Eagles ee ka socotay gobolka Pennsylvania, cayaarta oo ka dhacday magaalada Phoenix ee gobolka Arizona.

Xiddigah kooxda Chiefs, ee kubadda tuura (QB) Patrick Mahomes ayaa tuuray saddex touchdown, oo laba ka mid ah uu tuuray rubacii ugu dambeeyey ee cayaarta, isaga oo anqowga ka dhaawacan, oo uu ka dhaawacmay qeybtii hore ee cayaarta.

Waa Super Bowl-kii labaad ee kooxda Chiefs ay ku guuleysato muddo afar sano gudahood ah, taasi oo Patrick Mahomes siisay abaal-mariintii labaad ee MVP, ama xiddiga ugu qiimaha badan cayaarta.

Kooxda Kansas City Chiefs ayaa qeybtii hore ee cayaarta looga horeeyey 10 dhibcood, hase yeeshee waxay soo kabteen qeybtii labaad ee cayaarta.

Cayaartan ayaa aheyd tii ugu horreysay ee abid ee labada xiddiga ee kubadda tuura (QB) ee kala ahaa Patrick Mahomes iyo xiddiga Philadelphia ee Jalen Hurts, ay ahaayeen madow.

XS
SM
MD
LG