Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda al-Shabaab oo Qabsatay Xaruntii Gaadiidka


Kooxda al-Shabaab oo Qabsatay Xaruntii Gaadiidka
Kooxda al-Shabaab oo Qabsatay Xaruntii Gaadiidka

Ciidamada dowladda waxaa xaruntaasi lagaga qabsaday dagaal dhowr saacadood socday oo ay la galeen kooxda al-Shabaab.

Kooxda hubeysan ee mucaaradka ah ee al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda kmg ah ee Soomaaliya ayaa sheegatay inay la wareegtay gacan ku haynta xaruntii hore ee gaadiidka ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay horey u joogeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG.


Ciidamada dowladda ayaa xaruntaasi ay farahood ka baxday ka dib markii ay dagaal dhowr saacadood socday la galeen kooxda al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday.


Waxay wararku sheegayaan in dagaalkaasi oo dhacay habeenimadii Isniinta uu sababay khasaare dhimasho oo labada dhinac ah.


Taliyaha booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cali Maxamed Xasan (Looyaan) oo VOA-da u warramay ayaa qiray in dagaal uu halkaasi ka dhacay isla markaana uu jiro khasaare kooban oo ciidankoodu uu soo gaaray, balse wuxuu sheegay in xarunta laga qabsaday aysan oolin wax hanti ah balse ay weligeed ahayd goob dagaal.


Wuxuuna sheegay inuu filayo in al-shabaab aysan nabad ku joogi doonin xaruntaasi.


Xarunta gaadiidka waxa ay saldhig u ahayd ciidamo boolis ah oo dowladda ka tirsan, waana xaruntii lagu qabtay shirkii nabadeynta beelaha Soomaaliyeed ee ay abaabushay dowladda KMG ah, waqtigii madaxweyne C/laahi Yuusuf.

XS
SM
MD
LG