Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda ABC Fighters oo guul ku billaabatay Horyaalka BAL


BAL OPENER DAKAR
BAL OPENER DAKAR

Horyaalka Kubadda Koleyga Afrika (BAL) xilli ciyaareedkiisii seddexaad ayaa Sabtidii ka furmay garoonka Dakar Arena ee magaalada Dakar ee dalka Senegal.

Kulankii ugu horreeyey ayaa kooxda ABC Fighters ee dalka Ivory Coast waxay 76-70 kaga adkaatay kooxda ay martida u ahayd AS Douanes ee dalka Senegal.

Kooxda fadhigeedu yahay Abidjan ayaa markii ugu horreysay ka qeyb-galeysa BAL, waxayna guul muhiim ah ka gaartay kooxda AS Douanes ee magaalada Dakar oo tartanka ka qeyb-gashay xilli cayaareedkii ugu horreeyey ee la billaabay.

Kooxda Abidjan Basket Club Fighters ayaa hoggaamineysay inta badan cayaarta, hase yeeshee waxaa hoggaankooda lasoo gaabiyey rubacii afaraad ee cayaarta.

AS Douanes ayaa lagu hoggaaminayey 52-62, ayada oo cayaarta ay ka harsaneyd kaliya 8 daqiiqo, hase yeeshee waxay farqigii dhibcaha ee laga sarreeyey kusoo koobeen kaliya 2 dhibcood markii cayaarta ay ka harsaneyd 4 daqiiqo.

Hase yeeshee, khaladaad ay sameeyeen kooxda reer Senegal ayaa ABC siiyey fursad ay ku kordhiyeen hoggaankooda, waxayna cayaarta ku dhammaatay ayagoo ku hoggaaminaya 6 dhibcood.

Amadou Harouna oo ka tirsan kooxda Abidjan Basket Club Fighters ayaa yiri “marna ma aynan cabsan, waxaan dooneynay inaan badino, waana sameynay.”

Harouna ayaa kooxdiisa ku hoggaamiyey 25 dhibcood oo uu dhaliyey, waxaana loo magacaabay cayaaryhankii ugu wanaagsanaa cayaarta.

XS
SM
MD
LG