Sacuudi Carabiya ayaa diyaarisay liis ay ku qoran yihiin in ka badan 10 ciyaaryahan oo ku guuleystay midkood Champions League ama Koobka Adduunka oo ay doonayaan inay kusoo biiraan horyaalkooda, sida ilo ku dhow wada xaajoodkan ay u sheegeen AFP.
Liiska waxaa ku jira xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid iyo Croatia Luka Modric, goolhayaha Tottenham Hugo Lloris iyo saaxiibkiisa France N’Golo Kante. Dhammaantood waxay ku jiraan dabayaaqada xirfadahooda.
Dalka ugu weyn ee soo saarista shidaalka adduunka ee Sacuudi Carabiya ayaa ku hamminaya martigelinta koobka aduunka 2030 ama 2034 waxayna wacad ku mareen inay soo nooleynayaan muuqaalka dalkooda, isla markaana ay cusbooneysiinayaan horyaalka Sacuudiga.
Laacibka heysta abaal marinta Ballon d’Or ee Karim Benzema ayaa ku biiraya Cristiano Ronaldo oo hore ugu biiray horyaalka Sacuudiga kadib markii uu heshiis seddex sanno ah u saxiixay kooxda Al-Itixaad oo fadhigeedu yahay magaalada Jeddah.
Lionel Messi, oo ka tagaya Paris Saint-Germain kadib labo xilli ciyaareed, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia.
Saraakiil sarsare oo ka socda koox kale oo Saudi Arabia ee, Al Hilal, ayaa u duulay Faransiiska si ay isugu dayaan saxiixa heshiiska Messi kadib markii 35 jirka reer Argentina uu u ciyaaray PSG kulankiisii ugu dambeeyay dhamaadkii Isbuucaan, sida ay laba ilo wareed u sheegeen AFP.
Madal