Isku xirrada

Koox Hubeysan oo Gashay Safaaradda Iraq ee Kabul


Wasaaradda arrimaha dibedda Afghanistan ayaa xaqiijisay in lasoo afjaray qabsashadii koox mintidiin ah ee safaaradda Iraq ee Kabul, kadib iska horimaad socday afar saac.

Waxa ay sheegtay in ciidamada ammaanka Afghanistan ay dileen saddex nin oo weerarka soo qaaday, halka booliiska uu ka dhaawacmay hal qof, ayada oo dhammaan shaqaalaha safaaradda aysan wax dhibaato ah gaarin.

Afar nin oo aad u hubeysan, islamarkaana is-miidaamiyeyaal ah ayaa ku xoomay saafarrda.

Wasaaradda arrimaha dibedda Afghanistan ayaa sheegtay in mid ka mid is-miidaamiyeyaasha uu isku qarxiyey albaabka safaaradda, si uu ugu ogolaado saddexda kale inay gudaha galaan.

Kooxda Daacish, ayaa wakaaladeeda wararka ee Amaq ku sheegatay inay abaabushay weerarka.

Weerarada mintidiinta ayaa sanadkan boqolaal qof ku dilay magaalada Kabul.

QM ayaa sheegtay in magaalada Kabul ay ku dhinteen 20% dadka gaaraya 1,600 ee lixdii bil ee ugu horreysay ee sanadkan lagu dilay Afghanistan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG