Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koobka Adduunka: Qadar oo hartay, Neymar oo seegaya laba kulan, Sacuudiga Vs Poland


Waddanka Qadar oo martigelinaya ciyaaraha Koobka Adduunka ayaa shalay haray, kadib markii xulka Senegal ay 3-1 ku sagootiyeen, taas oo sababtay niyad jabka taageereyaasha marti-geliyaasha ah.

Xulka Mareykanka ayaa isna barbar dhac 0-0 ah la galay xulka Engaland oo toddoobaadkii hore 6-2 uga soo badiyay Iran, halka xulka Wales ay guuldarro 2-0 ah kala kulmeen Iran.

Dhinaca kale, weeraryahanka xulka Brazil Neymar ayaa seegaya labada kulan ee soo socota ee xulkiisu la ciyaari doono waddamada Camaroon iyo Swetzerland, kadib markii dhaawac uu kasoo gaaray aanqawga ciyaartii ay 2-0 kaga soo badiyeen Serbia.

Maantana, xulka Sacuudi Carabiya oo hore uga soo badiyay Argenina ayaa la ciyaaraya dhiggooada Poland.

Wararkii ugu dambeeyay ciyaaraha Adduunka waxaa inoo haya Nuur Xasan Nuur.

Wararkii ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:23 0:00

XS
SM
MD
LG