Weeraryahankii hore ee xulka Netherlands Patrick Kluivert ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda Turkiga ee Adana Demirspor, isagoo saxiixay qandaraas labo sano ah, sida ay Jimcihii ku dhawaaqday kooxda horyaalka Turkiga ee Super Lig.
Kluivert, oo 46 jir ah, wuxuu ka mid ahaa caawiyeyaashii tababarihii xulka Netherland Louis van Gaal intii u dhaxaysay 2012-2014.
Waxa uu Kluivert gaaray guulo xirfadiisa ciyaareed, isagoo kula guuleystay Champions League kooxda Ajax Amsterdam 1995 iyo LaLiga oo uu la qaaday Barcelona 1999. Wuxuu ciyaaraha ka fariistay 2008-dii.
Kooxda Adana ayaa ku dhameysatay kaalinta afaraad xilli ciyaareedkii hore.
Reuters.
Madal