Isku xirrada

War Deg-Deg ah

khilaafka Baarlamaanka KMG


khilaafka Baarlamaanka KMG
khilaafka Baarlamaanka KMG

75 xildhibaan oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa sheegay inay kalsoonidii ay kala noqdeen guddoomiyaha baarlamaanka Adan Maxamud Nuur “Aadan Madoobe”

Shir jaraaid oo ay ku qabteen xildhibaannadan ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay ka digeen faragalinta awoodda baarlamaanka iyo in lagu qasbo inuu sii shaqeeyo guddoomiyaha baarlamaanka oo ay sheegeen in waqtigii ka dhamaaday.

Xildhibaannadan waxay sheegeen inay dhamaantooda ka midaysanyihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada gudoomiyaha baarlamaanka.

Wasiirka Dastuurka Madowe Nuunow Maxed oo ka mid ah xildhibaannadan beelaha Digil iyo Mirifle in Aadan Madowe uu baarlamaanku ku fadhiyo awood qeybsiga beelaha digil iyo Mirifle, sidaa darteedna uusan haysanin xilligan kalsoonidooda beeshaasi.

Hadalkan xildhibaannada ayaa ku soo beegmaya xilli maanta ay war murtiyeed si wadajir ah u soo saareen saddexda masuul ee xukuumada, waxayna sheegeen in mowqif midaysan ay ka taagan yihiin khilaafka Baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG