Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaaf cusub oo hareeyey doorashada lagu qabanayo Garbahaarey


Doorashada Jubaland
Doorashada Jubaland

Waxaa mar kale dib usoo cusboonaaday khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan qabashada doorashada 16-ka kursi ee Golaha Shacabka ee yaalla degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Garbaaharey ayaa ah magaalada labaad ee deegaan doorashada maamulka Jubaland, balse waxaa in muddo ahba jiray shaki ku aadan in halkaas ay doorasho ka dhici karto.

Khilaafka ayaa dib usoo cusbnooaday kadib markii ay war-saxaafadeed soo saareen mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland oo Kismaayo ku sugan, kuwaasi oo sheegay in amni uusan ka jirin Garbahaareey, waxaana arrintaasi durba ka jawaab celiyay maamulka iyo Bulshada Gobolka Gedo ee garabka taageersan dowladda Somaaliya.

Wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad ayaa warbixintan soo diray.

Khilaaf cusub oo hareeyey doorashada lagu qabanayo Garbahaarey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:06 0:00

XS
SM
MD
LG