Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weerartay saldhig ku yaal Lamu


Wararka ka imanaya Kenya ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar ku aaadday saldhig ay leeyihiin ciidamada Kenya oo ku yaalla gobolka xeebta ee Lamu.

Warbaahinta Kenya iyo dad goobjoogayaal ayaa sheegay in saldhigga la weeraray lagu magacaabo Camp Simba oo u dhow xeebta.

Qarax ayaa la sheegay inuu ka dhacay saldhigga rasaasna ka dhacday.

Al-Shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay inay qayb ahaan qabsadeen saldhigga, balse si madaxbannaan looma xaqiijin.

Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegteen In saldhigga ay isticmaalaan ciidamada Kenya ah iyo kuwo Maraykan ah, taasoo weli labada dawladood aysan xaqiijin.

Khasaaraha weerarkan ayaan weli la ogayn.

XS
SM
MD
LG