Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kapuche: Raafku wuu sii soconayaa


Taliyaha Boliiska Nairobi Anthonia Kapuche ayaa sheegay in raafka lagu hayo Somalidu uu sii socon doonto ilaa muddo todobaad ah.

Taliyaha boliiska gobolka Nairobi Anthonia Kapuche ayaa sheegay in raafka lagu hayo Somalida degan Nairobi uu sii socon doono ilaa iyo inta ay ciidanku ka xaqiijinayaan cidda ku nool xaafada Eastliegh

Haatan waxaa xabsiga ku jira boqolaal Somali ah oo labadii habeen ee la soo dhaafay laga raafay xaafadda Eastleigh. Dadka la raafay waxaa ku jira mas’uuliyiinka ka tirsan DKMG, Somalida Kenya iyo Somalida ka timid dalka Somalia.

Maxmed Xuseen Qaras, oo ka tirsan mudanayaasha barlamaanka Kenya ayaa sheegay in raafkani yahay mid laga xumaado, wuxuuna dowladda Kenya ugu baaqay inay meelaha xuduudda ah ku celiyaan qofkii ay doonayaan inay dalka ka saaraan.

Warbixinta ugu danbeysay ee raafkaasi ku saabsan qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG