Wasiirka Socdaalka ee Kenya ayaa sheegay in Xaruunta Libooye si rasmi ah loo furay.
Xaruuntan Libooye ayaa xidhnayd tan iyo horraantii sanadkan.
Wariyaha VOAda ee waqooyi Bari Kenya Maxamed Faarax Shire ayaa sheegay in ilaa imika ay soo gaadheen boqolkii qoys ee ugu horeeyay.
Dadka soo gaadhaya xaruuntaasi ayaa u badan dad ka yimid magaalada Muqd
i
sho oo ay dagaallo goos goos ah ka socdaan muddooyinkan dambe.
Dadka qaxootiga ah ayaa markay soo gaadhaan xaruunta soo dhawaynta ee Libooye waxaa loo wareejiya xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Waqooyi Bari Kenya.
Xeryaha qaxootiga ayaa sida hore ay u sheegtay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR waxa ay yihiin kuwa buux dhaafay, waxaana muuqata in weli ay ku sii qulqulayaan qaxootiga ka soo barakacay dagaalada ka socda Somalia.
Qaybta hoose ee buggan waxaad ka dhegaysata waraysi uu Ibraahim Xasan Daandurey la yeeshay weriyaha VOAda ee Waqooyi Bari Kenya Maxamed Faarax Shire.