Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Muranka Siyaasadeed oo cirka isku shareeray


Khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka Kenya ayaa cirka isku shareeya iyadoo wasiiro ka tirsan ay xukuumaddu ay diideen in xaadiraan fadhiyo lagu xalinayo mushkillada haatan taagan.

Khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka Kenya ayaa cirka isku shareeray, iyadoo wasiiro ka tirsan ay xukuumaddu ay diideen in xaadiraan fadhiyo lagu xalinayo mushkillada haatan taagan.

Wasiiradda Xisbiga ADM ayaa qaadacay ka qeybgalida shirarka xukuumadda inta laga xalinayo qilaafka u dhaxeeya labada xisbi ee dowladdu ka kooban tahay ee ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha iyo Raisal-wasaaraha.

Kilaafkan ayaa dhashay kadib markii ra'iisul-wasaare Raile Odinga uu shaqadii ka fadhiisiyay 3 wasiir oo ka tirsan xukuumadiisa, balse waxaa arrintaasi si weyn u qaadacay Madaxweyne Kibaki oo sheegay in ra'isul-wasaaruhu aanu awood u lahayn inuu shaqo joojin sameeyo.

Kilaafkan oo maalmihii la soo dhaafay cirka isku shareeray, wuxuu dhinaca kale cabsi weyn galiyay dadka ku dhaqan Kenya oo ka baqanaya inay dib u soo noqoto qulqulatooyinkii dhiigu ku daatay ee sanadkii 2007 ka dhashay doorashooyinkii madaxtinimo ee muranka dhaliyay kuwaasoo ay ku dhinteen ilaa 1300 oo ruux.

Xisbiga ra'iisul-wasaaraha ee ODM ayaa haatan beesha caalamka ka codsanaya faragalin shisheeye iyagoo ku andacoonaya inaysan xal gaari karin, laakiin xisbiga madaxweynaha ayaa arrintaasi ka soo horjeeda. Safaaradaha shisheeyaha ayaa labada dhinac ka codsaday inay khilaafkooda xaliyaan.

XS
SM
MD
LG