Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Baadigoobaysa Duuliyaha Diyaarad ku Dhacday Jubbada Hoose


A Kenyan F5 fighter jet (file photo)
A Kenyan F5 fighter jet (file photo)

Ciidamada lugta ee Kenya ee ku sugan Jubbada Hoose ayaa la sheegay inaysan weli gaadhin goobta ay ku dhacday diyaarad nooceedu yahay F-5 oo shalay ku dhacday meel u dhow Buuloguduud.

Wararku sheegayaan in goobta ay diyaaraddu ku dhacday oo u dhaxaysa Birta Dheer iyo Buuloguduud ay dul wareegayeen diyaarado kale oo ay leeyihiin ciidamada milatariga ee Kenya. Warar aan si madaxbannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradahaasi degeen.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay la kulantay cillad farsamo. Dhinaca kalena ururka al-Shabab ayaa sheegtay iyagu inay soo rideen diyaaradda. Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sida ay wax u dhaceen.

Af-hayeen u hadlay maleeshiyada al-Shabab ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan burburkii diyaaradda iyo maydka qof duuliye ah.

Dhinaca kalena, dad goobjoogayaal ah oo ku sugan agagaarka degmada Buulaguduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa VOA u sheegay in diyaarado loo malaynayo inay yihiin kuwa Kenya ay maanta duqeeyeen laba goobood oo dhinaca Waqooyi ka xigta degmadaasi.

Duqaynta ayaa la sheegay inay ka dhacday meel ka mid ah kaynta lagu magacaabo Dhasheegga iyo Baar Sanguuni.

Degaanka ay diyaaraduhu beegsadeen ayaa la sheegay inuu saldhig u yahay maleeshiyada ajaanibta ah ee la jooga ururka al-Shabab.

Khasaaraha ilaa hadda ma cadda. Diyaaradaha ayaa la sheegay in dhowr bambo ay ku tuureen Dhasheegga, sda ay goobjoogayaashu sheegeen.

Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay duqaynta cirka ee ka dhanka ah ururka al-Shabab kadib markii maleeshiyada ururka ay weerarro dad badani ku dhinteen ay gaysatay agagaarka magaalada Mandera.

XS
SM
MD
LG