Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kabtanka Man City Ilkay Gundogan oo ku biiraya kooxda Barcelona


FBL-EUR-C1-MAN CITY-INTER
FBL-EUR-C1-MAN CITY-INTER

Kabtabka kooxda Manchester City Ilkay Gundogan ayaa si xor ah ugu biiri doona kooxda Barcelona, sida ay soo tebiyeen dhowr ilo wareed oo ay ku jiraan BBC iyo Sky Sports.

Gundogan ayaa ka tagi doona City kadib markii uu kabtan u noqday kooxda ku guuleysatay saddexda koob ee Premier League, FA Cup iyo Champions League xilli ciyaareedkii hore, isagoo soo afjaray toddobo sano oo guul ah oo uu ku joogay England, halkaas oo uu kula guuleystay 14 koob oo ay ku jiraan shan horyaal.

Gundogan ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Pep Guardiola soo xero geliyo markii uu qabtay shaqada City 2016 inkasta oo Jarmalku uu dhaawac jilibka ah kaga maqnaa markii uu kala soo wareegay Borussia Dortmund.

Gundogan ayaa ka tagay City isagoo u saftay in ka badan 300 oo kulan, isla markaana u dhaliyay 60 gool.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG