Iyadoo ay gobollada dalka Soomaaliya qaarkood ka socdaan hawlgallada ay si wadajirka ah u fulinayaan ciidamada dowladda iyo kuw adegaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maamul goboleedka Jubaland waxay sheegeen inay u diyaargaroobeen ka qaybgalka hawlgalladaas.
Weriyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad ayaa diyaargarowga Jubaland ka waraystay sarreeye guuto Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuul oo ah Wasiirka Amniga Jubaland.