Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubaland oo hakisay xiriirka Dowladda Federaalka


Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegay iuu hakiay xiriirkii wada-shaqeyn ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, xilli uu sii xoogeystay khilaafka labada dhinac.

Khilaafka, oo ku soo shaac baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu horraantii October ka baxay madaxweyaha Jubaland Axmed Madoobe, ayaa ka sii daray xalay kadib markii Axmed Madoobe uu magacaabay guddi doorasho oo ka kooban 7 xubnood.

Hase yeeshee, waxaa isla saacado gudahood ku gacan sayrtay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku tilmaamtay sharci-darro.

“Dowladda Federaalka waxey cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Mudane Ahmed Madoobe ku magacaabay guddi is doorasho, waxeyna uga digaysaa talaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, isla markaana kala qaybin karta bulshada reer Jubaland ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Ayada oo ka jawaabeysa qoraalkaas, ayaa wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland waxay sheegtay in ay Jubaland ay xaq u leedahay qabashada iyo maamulka doorashadeed.

“Iyadoo raacaysa dastuurka ku-meel gaarka ah ee DFS iyo kan Jubaland kana dheeraanaysa wax kasta oo horseedi kara sharci daro iyo firaaq dastuuri ah in ay u madax-banaan tahay qabashada iyo maamulidda doorashada Jubaland, sida uu qabo qodboka 120-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS iyo qodobada 62-aad iyo 80-aad ee dastuurka Jubaland,” ayey ku tiri war-saxaafadeed.

Waxay intaas ku dartay "Dowladda Jubbaland waxay caddeyneysaa inay hakisay xiriirikii wada-shaqeyneyd ee ay la laheyd xukuumadda federaalka Soomaaliya inta ay uga hoggaansameyso dastuurka dalka, ixtiraameysana rabutaanka shacabka Jubbaland."

Waa muamul goboleedkii labaad ee xiriirka u jara Dowladda Federaalka, ayada oo sidoo kale horey ay Puntland xiriirka ugu jartay Muqdisho.

Khilaafka Jubaland iyo dowladda federaalka ayaa salka ku haya nooca doorasho ee la qabanayo, ayada oo dowladda federaalka ay dooneyso doorasho toos oo qof iyo cod ah, halka Axmed Madoobe uu ku adkeysanayo doorasho dadban.

Madal

XS
SM
MD
LG