Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubbaland: Kenya Way Joojisay Darbiga


Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu arrintan kala hadlay Kenya, lana go’aamiyey in la joojiyo dhismaha darbiga.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sheegey in dowladda Kenya ay joojisey darbigii ay ka dhiseysey xuduudda Soomaaliya iyo Kenya kala qeybisa.

Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Lugadheere oo wareysi siiyey VOA-da
ayaa ku warramay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu arrintan kala hadlay dowladda Kenya, lana go’aamiyey in la joojiyo darbiga oo wada-hadal laga galo.

Lugadheere ayaa dhinaca kalena iska fogeeyey in maamulkoodu uu ku lug ku leeyahay ganacsi dhanka dhuxusha iyo sonkorta ah oo la sheegey in ay ku wehliyaan ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa ay fidinayaan dad kasoo horjeeda maamulka, oo arrintan ka leh dano siyaasadeed.

Isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxa uu u warramay Falastiin Axmed Iiman, waxa uuna ugu horreyn ka hadlayaa eedeynta ku aadan ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha iyo sonkorta oo la sheegey in ciidamada Kenya ay ku lug leeyihiin.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:29 0:00

XS
SM
MD
LG