Tababaraha kooxda Roma ee José Mourinho ayaa lagu riday ganaax 10 maalmood ah bilowga xilli ciyaareedka Serie A-da kadib hadal uu ka sheegay garsoore Talyaani ah.
Ganaaxan oo Arbacadii uu shaaciyay xiriirka kubada cagta Talyaaniga ayaa la micno ah in Mourinho uu seegi doono kulanka furitaanka Roma xilli ciyaareedka soo socda, waxaana ay u badan tahay inuu sidoo kale seegi doono kulanka labaad ee kooxda, iyadoo ay ku xiran waqtiga kulamadan la qorsheeyay.
Mourinho ayaa lagu ciqaabay inuu yiri in garoore Daniele Chiffi uu ahaa "garsoorihii ugu xumaa ee aan abid arko xirfaddeyda" kadib markii Roma ay barbardhac 1-1 ah la gashay Monza 3-dii May.
Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale lagu ganaaxay 50,000 oo Yuuro oo u dhiganta 55,000 oo dollar.
Mourinho oo 60 jir ah ayaa UEFA ganaaxday afar kulan todobaadkii hore kadib markii uu aflagaadeeyay garsooraha Ingiriiska ah Anthony Taylor finalkii Europa League ee dhacay 31kii May.
AP.
Madal