Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jeneraal Cali Gaab oo Is-casilay


Jeneraal Cali Gaab
Jeneraal Cali Gaab

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu is casilay Taliyihii booliiska ee gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre “Cali Gaab”.

Jeneraalka ayaa la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan inuusan wax sabab ah ka bixin is casilaaddiisa.

Warar laga helay saraakiisha dhinaca amniga ayaa sheegaya in Jeneraalka uu isku casilay sababo khaas ah oo gaar ahaaneed oo aan la xiriirin shaqadiisa.

XS
SM
MD
LG