Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa


Muqdisho
Muqdisho

Taliye ku xigeenka booliiska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa ku sheegtay barteeda twitter-ka inuu saaka baxsaday Cabdirashiid Janan halkii uu ku xirnaa.

Taliye ku xigeenka booliiska ayaa sheegtay inay ciidamada amniga ku raad joogaan.

Cabdirashiid Janan ayaa la qabtay bishii Ogosto 31-keedii sannadkii aynu soo dhaafnay, waxaana dawladda Soomaaliya ay ku eedaysay inuu galay "dambiyo culus.

Xariggiisa waxaa cambaareeyey maamul goboleedka Jubbaland.

Xariggiisa waxaa dhinaca kale soo dhoweeyey hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Warar ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in halka uu ka baxsaday la keenay shan maalmood ka hor.

Waxaa wararku intaas ku darayaan inuu ka baxay meel daaqad ah markii uu baxsanayey.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:01 0:00


XS
SM
MD
LG