Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jamhuuriga oo wada mooshin xilka looga qaadayo Biden


Kevin McCarthy
Kevin McCarthy

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Kevin McCarthy ayaa Talaadadii shalay shaaciyay, in aqalku uu billaabayo baaritaan xilka lagaga xayuubinayo madaxweyne Joe Biden.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya, in tallaabadani ay u muuqato mid cadaadiska siyaasadeed lagaga yareynayo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, islamarkaana ra’yul-caamka shacabka u jiheynaya dhanka Aqalka Cad, xilli ay soo dhaw-dahay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadka soo socda.

Arrintan ayaa haddaba Nuur Xassan Nuur, uu ka wareystay Maxamed Sheekh Xuseen oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Mareykanka, kuna nool gobolka Virginia.

Jamhuuriga oo wada mooshin xilka looga qaadayo Biden
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:03 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG